SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaanada Hirshabeelle “Ma ansixin doono Golaha Wasiirada”

 


Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in aysan ansixin doonin hadii la horkeeno Golaha Wasiirada cusub ee uu magacaabay Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ilaa iyo 65 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku heshiiyay in aan la ansixin Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Xubnahan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Liisaska Golaha Wasiirada ee la magacaabay, iyagoo sheegay arrintan in ay u gudbiyeen Madaxweyne Cosoble, hase yeeshee Madaxweynaha uu ka dhego adeegday arrintaasi.


Waxa ay sheegeen maalinta Sabtida ah in ay u yeeri doonaan Madaxweynaha si ay su’aalo uga weyiiyaan qorshaha magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Shalay Magaalada Jowhar ee xarunta Goboka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®