SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo dalbatay lacago wax looga qabanayo Abaaraha

 

Hay’adaha Q.M. ayaa ka dalbanaya deeq bixiyayaasha caalamiga ah lacago si loogu dar dar galiyo howl gallo caawimaad naf bad baadin ah oo laga sameeynayo goobaha ay abaaruhu ku dhufteen ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaas oo malaayiin qof oo gaajeysan ay qarka u saaran yihiin geeri iyo xanuuno kale, sida aya hay’aduhu ku warameen.

Shan sano ka dib, Abaartii ba’aneyd ee Soomaaliya ku dhufatay 2011, taas oo dishay dad lagu qayaasay 260 kun oo qof oo Soomaali ah, ayaa markale waddanku wuxuu dhexda uga jiraa musiibo abaar kale oo daran.

Meelaha ugu darran ee ay abaaruhu ku dhufteen ayaa kala ah deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland, halkaas oo durba laga soo warinayo dhimasho iyo xanuuno ka dhashay macluusha.


Afhayeen u hadlay hay’adda Q.M. u qaabilsan qaxootiga, Leo Dobbs, aya sheegay in ay Axaddii ka war heleen warar sheegaya in 38 qof ay dhibaatooyin abaaraha darteed ay ugu dhinteen gobolka Bakool.

Q.M. ayaa sheegtay in lix milyan iyo laba boqol oo kun oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan abaaraha jira. Hay’adda Unicef waxay iyana tilmaamtay in carruurtu ay yihiin kuwa ugu jilicsan ee ay abaartu halista ugu jiraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®