SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo baaq deg deg ah ka dirtay Abaaraha ka jira Soomaaliya

 


Qaramada Midoobey ayaa ka qeylo dhaamisay Abaarta ba’an ee ka jirta dalalka Soomaaliya , Yemen iyo Nigeria.

Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 1.4 Million oo caruur ah in ay Qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Macaluul sanadkaan gudihiisa hadii aan si deg deg wax looga qaban.

UNICEF ayaa ka codsatay deeqbixiyeyaasha caalamka in sare loo qaado gargaarka Bani’aadamnimada ee la siiyo dadka kunool Geeska Afrika , maadaam ay haystaan dhibaatooyin adag .

Hay’adaasi ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari, iyo Biyo la’aan.

UNICEF ayaa sidoo kale ku baaqday in hadalka Ficil loo badelo , islamarkaana waxqabad la muujiyo si dadkaasi loo badbaadiyo.

Hadalka kasoo baxay hay’adaasi Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli Abaarta ka jirta Soomaaliya ay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®