SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

IMF Oo Sheegtay In Somalia Laga Cafin Doono Kala-Bar Lacagaha Daymaha Ee Lagu Leeyahay.

 


Hadal ka soo baxay Hay’adda Lacagaha Adduunka (The International Monetary Fund) ee IMF ayaa lagu sheegay in laga yaabo inay Deyn-bixiyayaasha Somalia ka cafiyaan Deymaha lagu leeyahay oo dhan 5.3 Billion oo Dollar.

Tallaabadaasi ayaa looga dan leeyahay sidii horey loogu sii wadi lahaaa Isbedelka Dhaqaalaha Somalia iyo Hagaajinta Maamulka Dowladnimo.

Somalia oo ay ku-dhawaad 30-sanno ka socden Dagaallo Sokeeye ayaa waxa Cafinta ugu horreysay laga filayaa Hay’adda IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, sida uu shaaciyey Wakiilka Hay’adda IMF ee Somalia, Samba Thiam.

Waxa uu sheegay inay jirto Rabitaan Guud oo ka imaanaya Deyn-bixiyayaasha oo doonaya inay cafiyaan Deynta lagu leeyahay Somalia, isla markaana ay taasi tahay Rajo Wanaagsan.

Dalkeenna Somalia waxa uu ka mid yahay Dowladihii ugu dambeeyey ee ay Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka ka qafiifiyeen Daymaha lagu leeyahay dalalka ugu saboolsan Caalamka ee aan iska bixin karin Deymaha culus ee lagu yeeshay.

Dhinaca kale, Wakiilka Hay’adda IMF ee Somalia, Samba Thiam waxa uu tilmaamay in Somalia laga taageeri doono sidii loo soo daabici lahaa Lacago cusub oo Shillin Soomaali ah.

Waxa uu xusay in Lacagaha haatan ku jira Suuqa ay 98% yihiin kuwo been abuur ah oo aan sharci ahayn, wuxuuna tilmaamay in 2% Lacagta laga isticmaalo Somalia tahay mid sax ah oo la daabacay sannadkii 1991-kii.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®