SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Golaha Ammaanka QM oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka Al-Shabaab

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay sheegeen in ay kordhin doonaan dagaalka lagu jiro Al-Shabaab ,islamarkaana ay dadaallo dheeri ay ku bixin doonaan sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ay dadaal dheer ay ku bixin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in Awooda Al-Shabaab ay daciiftay, islamarkaana loo baahan yahay in la tayeeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.


” Dalalka xubnaha ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay taageero lixaad ah ay siiyaan Soomaaliya si looga guuleysto Al-Shabaab , islamarkaana looga hortago Weerarada iyo Qaraxyada ay geysanayaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii Warka kasoo baxay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay si weyn loogu cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®