SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dilalka Dadka rayidka ah oo siyaabo kala duwan loogu geysanayo muqdisho


Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xalay Nin Nabadoon Caan ahaa ku dhaawacay Xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda.

Nabadoonka oo Magaciisa lagu soo koobay Nabadoon Cismaan ayaa kooxaha dhaawacay la sheegay in meesha ay isaga baxsadeen.

Dhaawaca Nabadoonkaasi ayaana lagu dabiibayaa mid ka mid ah Xarumaha Cafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta ka dambeysay weerarkaasi lagu qaaday Nabadoon Cismaan kaas oo la sheegay in si weyn looga yaqaanno Xaafadda Xamar Jadiid.

Dhinaca kale Kooxo Hubeysan ayaa Ganacsado caan ahaa xalay waxa ay ku dileen Nawaaxiga Jaamacaddii Beeraha ee duleedka Muqdisho.

Ganacsadahaasi ayaa la xaqiijiyay in lagu toogtay Xaruntiisa Ganacsi oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in Ganacsadahaasi sidoo kale uu Guddoomiye ka ahaa mid ka mid ah Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaalla duleedka Muqdisho.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®