SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxeynaha Somalia oo Shaaciyay Tirada ay Al-Shabaab Dileen Sanadkii 2016-kii

 

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaaboo dowladda dagaal kula jira ay dileen sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-kii in ka badan 900 oo shacab ahaa.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dadka intooda badan lagu dilay qaraxyo, weeraro qorshaysan ay Al-shabaab ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya, iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya oo wali ay ku xoogan yihiin.

“Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-kii Al-shabaab weerarada ay fuliyeen waxaa ku dhintay 900 oo qof oo shacab ahaa, dadka sida macna darada loo dilay waxba ma galabsanin, waxa ay ahaayeen dad masaakiin ah goobihii ay ku sugnaayeen ayaa loogu tagay oo lagu dilay, ka dowlad ahaan waan ka xunahay, jawaabta dowladda cusub laga rabo waa in ay soo afjartaa dagaalka Al-shabaab”, ayuu yiri Madaxweyne.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®