SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe gaar ahaan guri ku yaal meel ku dhow Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa waxa uu sababay dhimashada 1 Gabar oo 2 sano jir ah, waxaana ku dhaawacmay gabadha geeriyootay hooyadeed oo guriga ay ku wada sugnaayeen.

Dadka degaanka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo shegeen in dhawaqa Qaraxa laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan Xaafadaha Magaalada Jowhar.


Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay degenaayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowlada Hoose ee magaalada Jowhar balse waa ay ka badbaadeen oo waxba kuma noqon sida ay sheegeen weriyaal ku sugan magaalada Jowhar oo aan la xiriirnay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Xaayow.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamada nabadsugida balse waxa ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan waxa sababay qaraxan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®