SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomaali dib u dejin ka heshay Dalka Mareykanka ka dib Amarkii Madaxweyne Trump

 


140 qof oo Soomaaliyeed ayaa dib u dejin ka helay dalka Mareykanka tan iyo markii Madaxweynha dalka Mareykanka Trump uu soo saaray amar mamnuucaya 7 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya in ay soo galaan dadkood dalka Mareykanka.

Go’aanka Madaxweyne Trump ka dib Garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay uga hortagaan dadka doonaya in ay soo galaan dalka Mareykanka.

Kumanaan qof ayaa laga horjoogsaday in ay galaan Mareykanka.

Dadkaan ayaa in ay gaaraan dalka Mareykanka waxaa u suurta geliyay go’aankii Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka uu ku diiday in la dhaqan geliyo go’aanka Madaxweyne Trump oo uu sheegay in uu khatar ku yahay midnimada dadka kunool dalka Mareykanka.

Wali waxaa jira Muran ku saabsan Go’aanka Trump , waxaana inta uu jiro murankaasi dalka Mareykanka gaaraya dad aad u farabadan .

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®