SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/Sare Koofi oo gaaray Magaalada Garoowe

 

Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Wafdiga General Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Garoowe inta uu joogo waxa uu kormeeri doonaa xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, isagoo sidoo kale kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Puntland.


Safarka Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu ku tagay Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku tagayay Magaalooyinka qaar ee Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®