SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Oo Deeq Dawo ah guddoonsiiyey maamulka isbitaal Martiini

 

Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa Deeq Dawo ah maanta guddoonsiiyey maamulka isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan Dawada ah ee lagu wareejiyay maamulka isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka timid hay’adda PERIGEO ee dalka Talyaaniga waxaana guddoonsiiyey maamulka Isbitaalka Martiini Safiirka dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Carlo Canpanile.

Madaxa Ciidamada Talyaniga ee Soomaaliya Jusepe Fabri oo ka hadlay munasabadda ayaa sheegay iney mar walba u taagan yihiin gacansiinta shacabka Soomaaliyeed.

Xiriiriyaha Deeqaha dawladda Talyaaniga ee Gobolka Banaadir Maxanuud Xuseen Kabtan Mooge ayaa sheegay in muhiimad weyn ay deeqdaan u leedahay Bulshada Soomaaliyeed .

Ku simaha Agaasimaha Cusbitaalka Martiine Maryan Axmed Maxamuud ayaa sheegtay in Deeqdan dawada ah ay kusoo beegantay xilli baahi badan loo qabay.

Safiirka Dawladda Talyaaniga Carlo Canpanile oo ka hadal Munaasibadda ayaa sheegay in dowladda ay mar walba garab joogto shacabka Soomaaliyeed.

Isbitaalka Martiini oo ka mida ah kuwa ugu da’da weyn Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa dib loo furay Bishii Oktoobar, hase yeeshee bishii Disembar 2016-kii waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ka markii ay Dayactirtay Dowlada Talyaaniga iydoo ay maamusho hay’adda.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®