SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Farmaajo oo dhawan Safar Dibadda ah u Ambabixi doono.

 

Xilli dhawaan la filayo in Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu Caleemo saaro Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in Safar Dalka Dibaddiis ah uu ugu Ambabixi doono.

Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in Caleemo saarkiisa kadib safarkiisii ug u horreeyay uu soo Cumreysan doono kadib markii uu u ambabaxo Boqortooyada Sacuud Arabia.

Waa Safar ka duwan Safarradii looga bartay Madaxdii ka horreysay ee Soomaaliya maadaama markii la doorto ay u ambabixi jireen dalalka Dariska la ah Soomaaliya.

Inta uu ku guda jiro gudashada Cumrada ayaa Madaxweynaha la filayaa In uu u soo duceeyo umadda Soomaaliyeed.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®