SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

30 qof oo Abaaraha dartood ugu geeriyooday Deegaanno hoostaga Degmada Diinsoor



Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ubraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in Xaaladda Abaaraha y baaheen sida laga dareemayo Gobolkaasi Bay.

Waxaana guddoomiyuhu shaaca ka qaaday in ku dhawaad 30 qof Xaaladaha Abaaraha ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Diinsoor ayaa sheegay in aysan jirin illaa iyo haatan wax Gurmad ah oo dadkaasi sida ba’an ay u saameysay Abaartu heleen balse weli ay yihiin kuwa Rajo ku nool ah.

Qeylo dhaanta xagga Abaaraha ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoona weli aanu jirin wax ka qabasho muuqda si loo samata bixiyo dadka iyo Duunyada ku nool meelaha ay halakeeyeen abaaruhu.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®