SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo Ka digtay khatarta ka dhalankarta Abaaraha ka jira Soomaaliya

 

Hay’addaha Qaramada Midoobey ee UNICEF iyo WFP ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga digeyn in ay kasii darto abaarta ka jirta Soomaaliya hadii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Hay’adahaasi ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari, iyo Biyo la’aan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in si deg deg wax looga qabto abaaraha kajira Soomaaliya, waxaana ay dalbadeen Malaayiin dollar.


“Waxaa aad noo walwal gelinaaya waa cabsi xoog leh oo aan ka qabno in xaaladdu ay si degdeg ah u sii xumaato, tiro dadka gurmadka u baahan ay khatarta wajahayaan, in gurmad caafimaad iyo mid cunto ahba lala gaaro dadkaa dhibaateysan waxaana codsaneynaa in dalalka Caalamka ay wax ka qabtaan arintaasi ” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha Qaramada midoobey.

Hadalka kasoo baxay hay’adahaasi Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli Abaarta ka jirta Soomaaliya ay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®