SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomaali ka qaxday dalka marykanka oo ku qul quleysa Canada

 

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ku qul qulaya Dalka Canada, si ay u helaan magan gelyo buuxda, maadaama Mareykanka laga mamnuucay Todobo dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Mid ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka hayaamay Mareykanka una guuray Canada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay sababta keentay in ay galaan Canada oo ay magan gelyo u raadsadaan in ay tahay, sidii ay u heli lahaayeen magan gelyo dhab ah.

Waxa uu sheegay Mareykanka in ay Qaxooti ku ahaayeen mudo 3 bil ah, maadaama dhowaan ay halkaasi ka heleen magan gelyo, hadana uu saameeyay go’aankii Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ee ku aadanaa in uu Mareykanka ka mamnuucay soo galootiga iyo Qaxootiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay hada in ay ku nool yihiin cabsi iyo wal wal maadaama aysan heysan sharci iyo nolol xur ah, isagoo sidoo kale sheegay mararka qaar in ay xusuustaan xilligii ay wadankooda joogeen.

Ugu dambeyntii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u hanqal taagaya Mareykanka ayuu uga diagay in u soo safraan Mareykanka, si aysan ula kulmin dhibaatooyin iyo nolol xumo, oo ay iska joogaan dalkooda oo ay hada ku heystaan barwaaqo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®