SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada Koofur Galbeed oo biabey Howlgal loogu magac daray guushii Farmaajo

 

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwooda ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa maalmahan waxa ay Degmadaasi iyo Degaanada hoosyimaada ka wadeen Howlgal lagu sugayo amniga.

Howlgalkan ay wadeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa loogu magac daray Holwgalkii guusha Farmaajo iyo ciribtirkii Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Howlgalkan uu yahay kuwo horey uga socday Degmada Bardaale iyo Tuulooyinkeeda.


Sidoo kale Cali Cadow Isaaq Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegay maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Degaano badan in ay ku soo mareen socdaal, si ay u soo ogaadaan goobaha ay kaga sugan yihiin Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®