SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faroole oo ku baaqay in fara gelinta laga daayo Farmaajo

 

C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo horey u soo noqday Madaxweyihii hore ee Maamulka Puntland, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Faroole muhiim in ay tahay in fursad la siiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), si uu u soo xusho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay sababta uu uga tagay Magaalada Muqdisho in ay tahay dad culeys ku haya awgeed, in aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cida uu soo magacaabayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan C/raxmaan Faroole ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu buurnayn dhaqaalaha ay haysato Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii C/raxmaan Faroole, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay u adeegaan bulshadooda ay Abaaruhu halakeeyeen, oo aanay ku mashquulin shaqada Madaxweyne Farmaajo.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®