SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xoghayihii Guud Ee Hore Ee QM, Butrus Butrus Qaali Oo Da’da 91-Jir Ku Geeriyooday..

 


Butrus Butrus Qaali ayaa ahaa Xoghayihii Guud ee QM ee ugu horreeyey ee ka soo jeeda Qaaradda Afrika ee xilkaasi qabta, wuxuuna xilkaasi hayey bishii January 1992-kii ilaa bishii December ee sannadkii 1996-dii.

Butrus Butrus Qaali waxa uu Cilmiga Qaanuunka Caalamiga kaga qalin jebiyey Jaamacaddaha Qaahira sannadkii 1946-dii iyo Jaamacadda Paris sannadkii 1949-kii.

Waxa uu Bare Cilmiga Qaanuunka Caalamiga ka soo noqday Jamaacdo ku yaalla Maraykanka, Europe, Qaahir iyo dal Afrikaa ah.

Sannadkii 1977-kii waxa uu ahaa Ra’isul-wasaare-ku-xigeenkii Masar, xilligii Madaxweynihii la dilay Anwar Al-saadaat,wuxuuna xilkaasi iska casilay markii uu Al-saadaat booqday magaalladda Quddus-ta La-haysto.

Waxa kale oo Xilka Wasiirka Maaliyadda ka soo qabtay Dowladdii Madaxweyne Xusni Mubaarak.

Warbaahinta dalka Masar ayaa maanta shaacisay geerridii Butrus Qaali oo 91-jir ahaa.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®