SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Salaad Roob doon ah oo maanta laga Tukanayo Dalka

 

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka laga Dukanayaa Salaad Roob doon ah, sida ay horey u shaaciyeen culimada Soomaaliyed.

Masaasjidada waa weyn iyo Barxadaha ayaa maanta lagu wadaa in ay isugu yimaadaan dadyow aad u fara badan, kuwaas oo isugu jira Culimo, Odayaal, Arday iyo Haween, si ay u Tukudaan Labo Rakac oo Salaada Roob doonka ah.

Makaroofano waa weyn iyo Sameecadaha dhaegysiga ayaa lagu soo diyaariyay Barxadaha lagu dukanayo salaada Roob doonka si dadka oo dhan ay u maqlaan waqtiga la dukanayo salaada iyo Qudabadaha ay jeedinayaan culimada.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay maanta u diyaar garoobeen in ay tukadaan salaada Roob doonka ah, kadib ay Alle ka baryaan in dhibaatada Abaarta ah ee dadka iyo duunyada heysata ka dulqaado.

Abaaro aad u daran ayaa dalka ka jira, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool Dalka, waxaana Culimada Soomaaliyeed iyo shacabka ay wadaan dadaalo dadkaasi wax loogu qabanayo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®