SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoonka Kula hadlay Boqor Salmaan

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, waxaana boqorka uu ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 8dii bishan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa boqorka uga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo dhaweeyay codsiga Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in ay xukuumaddiisa ka qeyb qaadan doonto hawlaha loogu gurmayo dadka iyo xoolaha ku baaba’ayo abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Dhammaad

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®