SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Degmo Ku Taala Soomaliya oo ay Ku Nool Yihiin 7-qoys oo kaliya xiligaan

 

Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in degmada ay ku noolyihiin 7-qoys islamarkaana Ceelbuur ay dhulka iyo hawada ay go’doon ka tahay.


Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in dadkii ku nool degmada ay ka qaxeeb cabsi ay ka muujiyeen weerarada Al-shabaab ay ku qaadaan degmada.

“Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud waxaa ku nool 7-qoys oo kaliyah, degmooyinka kale go’doon iyadoo la saaray ayaa hadana wax la gaarsiiyaa balse degmada Ceel-buur dhulka iyo hawada ay go’doon ka tahay”, ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa ka codsaday dowlada Cusub ee Soomaliya ee uu hogaamiye Maxamed C/laahi Farmaajo in uu ka shaqeeyo sidii degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud loogu qaadi lahaa Go’doonka.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®