SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dibadbax Lagu Taageerayo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Socda Muqdisho.

 

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho si ay umuujiyaan taageerada ay uhayaan madaxweynaha Cusub.

Maamulka gobolka banaadir ayaa soo qaban qaabiyey banaanbaxa oo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay dhigaan dibadbax lagu taageerayo madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kuu guuleestay Doorashada Madaxweynah ee lagu qabtay Muqdisho

Dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir ayaa ka qeybgalaya dibadbaxa kuwaasi oo hada ku sugan taalada daljirka daahsoon ee degmada Boondheere,waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin Sawirka madaxweyne Farmaajo iyagoo ku dhawaaqayo erayo taageera ah oo ay ku muujinayan dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsanyihiin in madaxweynaha loodoorto farmaajo.



Amaanka ayaa aad loo adkeeyey waxaana ku sugan nawaaxiga Daljirka ciidamada dowlada iyo ciiddamo booliis Amisom oo xaqiijinya aminiga iyadoo lagu wado saacadaha soo aadan inay goobtaasi tagaan madax katirsan Gobolka banaadir oo iyagu isugu yeeray banaanbaxaasi shacabka muqdisho.

Tan iyo arbacadii oo la doortay madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Muqdisho waxaa kasocday dibadbaxyo taageera ah oo ay dhigayeen shacabka muqdisho oo ku faraxsanaa in madaxweyne loo doorto Farmaajo waxaana ay muujinayeen Dareenkaooda ku aadan doorashadaasi.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®