SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Koonfurta Afrika Oo Sheegay Inay Si Wadajir Ah Ula Shaqeyn Doonaan Madaxweynaha Cusub Ee Somalia.

 


Madaxweyne Jacob Zuma ayaa hadalkaasi ku sheegay War-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee dalkaasi, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kala shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka Labada dale e Koonfur Afrika iyo Somalia.

Waxa kale oo uu u hambalyeeyey Murashixiinta oggolaatay Natiijadda Doorashaddii Madaxtinimadda ee ka dhacday Somalia, wuxuuna xusay inay taasi muujinayso inay Somalia ka dhacday Doorasho Xaq iyo Hufnaan leh kuna qotonta Mabaa’diida Dimuqraadiyadda.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Kumanaan dad Soomaali ah, kuwaasi oo inta badan la kulma dil iyo dhac loogu geysto dalkaasi, mana muuqato Tallaabo Adag oo ay Dowladda dalkaasi kaga hortagayso Tacadiyadda loo geysto Soomaalida.

 

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®