SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
09/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Banaanbax balaaran oo ka socda Muqdisho iyo Rasaas lagu taageeryo Madaxweynaha Somalia oo ka dhaceysa

 

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Daljirka Daahsoon waxaa hada ka socda Banaanbax xoogan oo lagu taaageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Dadweyne isaga kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa dhigaya Banaanbaxan, waxaana ay yihiin kuwo aad ugu faraxsan guusha uu gaaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Wariyataasha ku sugan goobta uu Banaanbaxa ka socdo ayaa soo sheegaya in Banaanbaxa uu yahay mid xoogan, sidoo kalena dadka Banaanbaxa dhigaya ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo, kuna qeylinayaan ereyo lagu taageerayo Farmaajo.


Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa xalay ila iyo hada waxa ay kor u ridayaan Rasaas, maadaama ay taageero weyn u hayaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.


kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®