SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Digniino loo diray Masjid ay Soomaali maamusho oo ku yaal Dalka Mareykanka

 


Masjid ku yaalla Magaalada Minneoples ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka oo ay maamusho Soomaali ayaa waxaa loo diray warqad hanjabaad ah, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.

Warqada loo diray Masjidka oo Saddex bog ka kooban ayaa waxaa gacanta ku haya Sheekh C/qani oo ah Imaamka Masjidka Imaam Shaafici.

Waxa uu sheegay Imaam Sheekh C/qani in warqadan uu soo diray nin ku sugan Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, waxaana ku qoran hanjabaadyo iyo ereyo la xiriira Islaam naceybka.


Sidoo kale Imaamka ayaa sheegay warqada boga labaad waxyaabaha ku qornaa in ay ka mid ahaayeen Muslimiinta shareecada Islaamka in ay ku faafinayaan Dalka Mareykanka, taasina loo baahneyn.

Ugu dambeyntii warqada loo diray Masjidka Imaam Shaafici ayaa waxaa ku qornaa in Soomaalida ay aadaan wadamada ay joogaan ISIS, hadii taasi ay dhici weydana la kulmi doonaan ciqaab adag.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®