SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal culus oo ka socda degaano ka tirsan Sh/Dhexe

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa sheegaya dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Shabaab inuu hadda ka socda duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii ciidamo AMISOM ah oo lugeynaya Shabaab ay wadada u galeen sida uu Risaala u xaqiijiyay Cornel. Maxamuud Koronto oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Xooga dalka ee Shabellaha Dhexe.

Wararka waxa ay sheegayaan dagaalka inuu ka socdo inta u dhaxeyso Degaanada Biyo cadde iyo Miir tuugo, waana dagaal culus oo labada dhinac hubka nuucyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan.


Lama ogaan karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama labada dhinac ay ku dagaalamayaan degaano howd ah, ayna adag tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®