SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga Doorashooyinka oo laalay doorashadii xildhibaan Shaacir ee shalay ka dhacday kismaayo

 

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in ay diideen ayna sharci aheyn doorashadii Shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo oo uu kusoo baxay Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir .

Guddiga ayaa amray in dib loogu laabto markale doorshada xildhibaankaasi oo ka mid ahaa xildhibaanadii 5 ahaa ee maamulka Goboleedyada lagu celiyay.

War kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa sidaan u qornaa:


Ku: Xubnaha Guddiyada gaarka ah ee u xil saaran qabashada kursiga Doqon Diide ee Gaaljecel

Ujeddo: Go’aanka GFHDD ee Kursiga Juffada Doqon Diide ee Beesha Gaaljecel Xubnaha GFHDD waxay isku raceen markii ay ka doodeen kursiga Doqon Diide si xal looga gaaro tallaboyinka soo socda:

1. In la raaco sida hannanka doorashada dadban qabo in juffada kursiga iskaleh ee Doqon diide keliya ay ka timaado ergada iyo musharaxiintaba.

2. In hannanka doorashada si cadaalad ah ugu dhacdo oo la waafajiyo xeerka codeynta iyo tirinta coddadka ee ay GFHDD u dejiyeen dorashada dadban.

3. In xubnaha GFHDD ay hubiyaan warqadaha codbixinta in aysan calamadaysanayn ka hor inta aan la codayn iyo ka dib markii la codeeyo.

4. In marqaati looga dhigo lana tuso warqadaha lagu codeynaayo korjoogayaasha, warbaahinta iyo wakillada Qaramada Middoobay si doorashada ay u noqoto mid daahfuran oo cadaalad ku dhacday. Sidaas darteed xubnaha GFHDD wuxuu ka codsanayaa xubnaha Guddiga gaarka ah ee loo idmaday qabashada kursigaas Doqon Diide ee Jubbaland in ay doorashadiisa soo gabagabeyaan ka hor doorashaa Madaxwaynaha.

Guddigu waxuu aad uga mahadcelinayaa xubnaha labada Guddi ee maraynaya doorashada kursiga Doqon Diide ee lagu qabanayo magalada Kismaayo.

Guddiga wuxuu rumaysan yahay in xubnahaas ay daadaal iyo juhdi badan geliyeen in si cadaalad ah u dhacdo doorashada kursigaas Doqon Diide lakiin ay kala kulmeen dhibaatooyin iyo ismariwaa.

Guddiga waxuu idiin rajaynayaa in aad ku gulaysataan doorashada kursiga

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®