SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-shabaab Oo Beeniyey Eedeyn Ay Dowladda Kenya u Soo Jeedisay.

 


Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayey ku beeniyeen warar ay Boliska dalkaasi ku sheegeen inay Alshabaab horey u sii qaateen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda ee yaallay Xero Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia oo 100-KM u jirta Degmadda Mandera.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakadda Alshabaab ee Andulus baahisay Warka ku aadan Beenintaasi, waxaana lagu tilmaamay inay Dowladda Kenya uga dan leedahay Borobogaando.


Qoraalka waxaa lagu xusay inaysan been abuur tahay Eedeyntaasi iyo inay Dagaalamaayaasha Alshabaab soo qaateen qaar ka mid ah Qalabka Doorashadda ee loo yaqaano BVR.

“Dowladda Kenya waa inay joojisaa beenta ay ka sheegayaan Qalabka Diiwaan-gelinta ee BVR. Waxaa run ah inay Mujaahidiinta weerareen Xero Bolis, kana soo qabsadeen Gaadiid, dhowr qori iyo rasaas badan” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Alshabaab.

Hadalka ay Xarakadda Alshabaab ku beeniyeen arrintaasi ayaa timid, kadib, markii uu Taliye-xigeenka Boliska Degaanka Lafey ee W/bari Kenya, Eric Oronyo sheegay in waxyaabaha ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ka qaateen Xeradda Boliska ku leeyihiin Deegaanka Arabia ka mid ahaayeen Qalabka Diiwaan-gelinta Doorashadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Khamiistii la soo dhaafay, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Xeradaasi, iyadoo 21-kii Askari ee Boliska Kenya ee halkaasi joogay ka firxadeen Xerada, kana carareen hubkooda.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®