SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Jubbaland oo Ka Hadlay Toogasho ay Al-Shabaab Ka Geesteen Jubbada Hoose Shalay

 


Maamulka Jubbaland aya markii ku horeysay ka hadlay Afar ruux oo ay Al-shabaab ku toogteen Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose kuna shegeen inay basaasiin u ahaayeen Dowalada Federaalka,Mareekanka iyo Dowalada Kenya waxaa ay saraakiisha Jubbaland sheegeen in Dadkaasi ahaayeen Shacab ku noolaa Degmada Jamaame oo an waxba Galabsan.

Waxaa ay warbixin ka bixiyeen Saaraakiishu Afarta Qof ee Dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku Dileen Gobolka Jubbada Hoose waxaana ay sheegeen in aysan jirin wax Dambi ah oo ay Geesteen Dadkaasi oo ay tilmaameen inay ka xunyihiin falkii lagu Toogtay.

Al-shabaab ayaa shalay Degmada Jamame ku Dilay:



1- Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah, oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka.

2- Axmed Ibraahim oo 28 jir ah kuna eedeeyeen inuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

3- Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ah kuna eedeeyeen inuu ula shaqeyn jiray Mareykanka .

4- Cabdullaahi Cumar Xasan oo 26 jir ah kuna eedeeyeen inuu ubasaasi jiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®