SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xuutiyiinta Yaman oo Sheegtay Inay Gantaal Ku Duqeeyeen Caasimadda Dalka Sacuudiga.

 

Warbaahinta Kooxdaasi ayaa laga soo xigtay inay Gantaal Balaastik ah ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Galbeedka caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiinaya Duqeyntaasi.

Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan Fariisimadda Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin gudaha dalka Yemen.


Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Askari looga dilay gudaha dalka Yemen, kaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee ka hawlgala dalkaasi.

Askariga la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Wakiil Raashid Maxamed Al-dahuuri, balse lama shaacin taariikhda la dilay iyo halka lagu dilay.

Wargeyska Al-imaaraat Al-yoom ayaa qoray in Askarigaas la dilay ahaa Aabe ka tegay 3 Carruur ah.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®