SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Beeniyay in Faragalin Lagu Hayo Doorashada

 

Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Wadamada Dariska inay Faragalin ku hayaan Siyaasada Doorashada Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen shiikh Maxamuud oo kamid ah Guddiga qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana ka yimid dhanka aqalka sare ayaa sheegay in aysan xiligaan jirin faragalin lagu hayo doorshada Madaxweynaha Soomaliya.

“Ka guddi ahaan anaga ma aragno wax faragalin la dhaho oo wadamada shisheeye ay ku hayaan doorashada Madaxweynaha Soomaliya, xildhibaanada bulshooyinka kala duwan matalaya ayaga ayaa laga rabaa in ay doortaan madaxweyne dalkaan ka samata bixin kara dhibaatada”, ayuu yiri Xildhibaan Xuseen shiikh Mxamuud.

8-da bishaan February ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®