SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sarkaal Sheegay in AMISOM Aan Lagu Aamini Karin Amniga Doorashada Madaxweynaha Somalia

 

Korneel C/nuur Jaamac oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Malatariga Soomaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM aan lagu aamini Karin Sugida amniga goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.


Waxa uu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM aysan aqoon sidaas u weyn u laheyn shacabka Soomaliyeed iyo Madaxdooda islamarkaana ay aad ugu adkaan doonto in ay si wanaagsan u xaqiijiyaan Sugida amniga goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

“Waxaa ayaan daro ah in Ciidamada Soomaliyeed ee aqoonta u leh dalkooda in laga door bidp askari dal shisheeye ka yimid oo aan aqoon badan u laheyn shacabka Soomaliyeed iyo madaxda.AMISOM hadii lagu aamino sugida amniga goobta doorashada Madaxweynaha,wax badan ayaa halaabi karo”, ayuu yiri Korneel C/nuur Jaamac.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®