SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay ka dib markii xita jidcadayashii caro iyo dhagxaan lagu gooyey

 


Ammaanka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka waa weyn ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidcadyaasha qaar lagu jaray dhagxaan iyo caro fara badan.

Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Faderaalka ujeedada ammaanka loo adkeynayo in ay tahay sidii loogu diyaar garoobi lahaa qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalinta Arbacada ah ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wadooyinka dhexmara xaafadaha Muqdisho, ayaa lagu arkayaa dhagxaan waaweyn oo lagu jaray iyo caro fara badan oo lagu gooyay jidcadyaasha, goobahaasi kuma arkeysid wax ciidan ah, balse waxaa yaalla oo kaliya carada iyo dhagxaanta oo aysan suuragal aheyn in gaariga uu maro.


Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho ayaa la soo dhoobay ciidamo badan oo Boolis iyo Nabad Suggida isugu jira, halka xayndaabka Madaxtooyada lagu arkaayo ciidamo Millateri Koofi gaduud ah oo amniga madaxtooyada adkeynaya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®