SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Magacyada Afar nin oo ay Al-Shabaab ku toogteen Degmada Jamame eeGobolka Jubbada hoose

 


Al-Shabaab ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay degmada jamaame ee gobolka Jubadda Hoose waxaa ay ku toogteen 4 nin ay ku eedeeyeen in ay Jaajuusiin u ahaayeen maamulka Jubbaland, dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.

Ragga lagu toogtay Fagaaraha Degmada Jamaame, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/laahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa raggaan ku eedeeysay in ay ahaayeen Basaasiin.


Al-Shabaab ayaa inta badan toogta ama Gowraca dadka ay ku eedeeyaan in ay la Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada ka jira dalka .

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab , islamarkaana aysan la shaqeyn jirin dowladda iyo Jubbaland Midna.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®