SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Khudbad jeedinta Musharaxiinta Madaxweynha eee ugu danbeeyey oo hada bilaabatay

 

Waxaa goor dhow xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga wajiga Saddexaad Khudbadaha ay jeedinayaan ilaa 8 Musharax oo ka mid ah 24-ka Musharax ee u taagan qabahsada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xarunta Golaha shacabka waxaa ku sugan 8-da Musharax ee maanta loo qorsheeyay in ay jeediyaan khudbadaha, iyadoo Musharax walba uu khudbadiisa ku jeedinaya waqti ku siman 30-daqiiqo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenadiis ayaa ku sugan xarunta ay socoto khudbad jeedinta, si ay ula socdaan Musharaxiinta iyo hadal jeedintooda.


Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3.Maxamed Axmed Jabarti

4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7.Maxamed C/risaaq

8.Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Sidoo kale maanta waxaa laga yaabaa in khudbad uu jeediyo Axmed Maxamed Cabdi oo qorshuhu ahaa in Khamiistii uu jeediyo khudbadiisa, balse cudur daar uu soo gudbiyay darteed dib loogu dhigay.

Maanta gelinka dambe ayaa lagu wadaa in gabi ahaan [la soo gaba gabeeyo khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, si loo guda galo qeybaha ka harsan Doorashada.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®