SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

In Ka Badan 1000 Tahriibayaal Doonayey Inay Gaaraan Europe Oo Lagu Xiray Libya.

 


Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Libya, Jeneral Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay 431 Tahriibayaal ku qabteen meel ka baxsan Xeebta Degmdda Sabartha oo 70-KM dhanka Galbeed kaga toosan Casimadda Libya ee Tripoli.

Waxa uu intaasi ku daray iny Tahriibayaashaasi la socdeen 4 dooni oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.


Afhayeenka wax uu xusay inay Ciiddanka iyo Mukhalasiinta tahriibinayey dadkaasi is-dhafsadeen rasaas, ka hor intaysan Mukhalasiinta baxsanin.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ee January 27-da waxay Ilaaladda Xeebaha Libya gacanta ku dhigeen 700 qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday 3 dooni nooca laga farsameeyo Alwaaxa.

Jimcihii la soo dhaafay, Hoggaamiyayaasha Europe waxay Dowladda Libya u sheegeen inay sinayaan Kharaj iyo Taageeri kasta si loo xakameeyo Qaxootiga ka soo tahriiba Libya ee ku sii qulqulaya Xeebaha Europe.

Hay’addaha Samaafalka ayaa cambaareeyey Heshiiska EU-da iyo Libya, waxayna sheegeen inay taasi horseedi karo in Tahriibayaasha loo geysto Tacdi iyo Xarig.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®