SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga doorashada oo ka hadlay Sababta Gen Kaahiye Doorashada looga wareejiyay

 


Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa Faah-faahin ka bixiyay Sababta Doorashada loogu Wareejiyay Afisiyoone islamarkaana looga badalay Halkii horay loogu Qorsheeyay in ay ka dhacdo oo aheyd Iskuul Bulisiya ama Akadeemiyada Booliska ee Gen Kaahiye.

Guddoomiye Beyle ayaa sheegay in Markii horaba ay Labada Meelood ahaayeen A: B islamarkaana hadda la isku raacay in Doorashada Madaxweyne ee la filayo in ay dhacdo Arbacada soo socota in lagu qabto Afisiyoone.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Guddoomiye Beyle in Musharaxiinta intooda badan ay soo jeediyeen in Doorashada laga wareejiyo Gen Kaahiye,iyadoo Guddiga Qaban qaabada Doorashada iyo kan ka hortagga Musuq Maasuqa ay ku raaceen soo jeedinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa la sheegay in ay Sabab u yihiin in Doorashada halkeedii hore laga Wareejiyo,iyagoo ku doodaya in ay dhici karto wax isdaba marin iyo Musuq Maasuq lagu sameeyo Doorashada.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®