SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wargeyska Daily Mail oo Warbixin Xasaasi ah ka qoray Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hoteel London ku yaal ku degay lacag dhan £50,000.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tamashleeyay safar uu ku tagay magaalada London ee dalka Uk isagoona ka dagay hoteelada kuwoodi ugu caansan ee qaaliga ah.

Madaxweynaha ayaa ku dagay Dorchester hotel isaga iyo shan kamid ah wasiiro aan magacyadooda la sheegay waxana sidoo kale la socday 14-kaaliyaal waxana ay ka qeyb galayeen shir caalami ah oo ka dhacayay Lancaster House si ay usoo helaan gargaar ay u radinayeen dalka dagaalka la dagay ee Soomaaliya.

Dorchester hotel ayaa kamid ah kuwa ugu qaalisan ee la dago hoteelada magaalada London ku yaala.

Sida laga soo xiganayo jariidada The Sun Madaxweyne Xasan Sheekh oo 57-sano jir ayaa ku sugnaa afar habeen Park Lane hotel xitaa hadii ay ka daganan lahaayen qolalka aan lacagahoodi yar yahay waxa ay cuntadooda ku kacday £25,440.

Shirka ayaa muhiimadiisu ahayd sidii gargaar deg deg ah loogu heli Soomaaliya
Wasaaradda arimaha dibada ayaa sheegtay in shirkaasi ahaa mid wax ku ool ah.

Gaariga maalin waliba ay raacayeen ayaa wadaha gaariga waxa uu qadanayay £400 wadartana waxa ay tagtay inta ay joogeen UK
£50,000.

Soomaaliya ayaa kasoo heshay deeq dhan £84m kaa oo ay ugu deeqeen UK iyo deeq bixiyaasha.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®