SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Askarta Kenya oo lagu baaqay in Soomaaliya laga soo saaro

 


Qaar ka mid ah xisbiyada Mucaaradka ah ee wadanka Kenya oo kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee caasimada wadankaasi ayaa waxa ay isku raaceen in Ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya loo soo saaro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xisbiyada ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo aad u fara badan oo Kenyan ah ay ku dhinteen weerarada joogtada ah ee ay geysanayaan ururka Al-shabaab, islamarkaana ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen marka la eego weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Degaanka Ceel-cade iyo Degaanka Kulbiyow ay tahay mid lagu xasuuqay Ciidamo aad u fara badan oo Kenyan ah, islamarkaana Xukuumada wadanka Kenya ay dhegaha ka fureysatay.

Dowladda ayay ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo saaro Ciidamada jooga Gobolada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo, iyagoona sheegay hadii Xukuumada Uhuru Kenyatta ay arrintaasi iska diido ay dhigi doonaan banaanbaxyo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen waxqabad xumada Dowladda Kenya in ay qeyb ka tahay Ciidanka Dowladda Kenya ee sii jooga gudaha Soomaaliya, loona baahnaa in mar hore laga soo saaro.

Ugu dambeyntii qaar ka mid ah Ehelada Askartii lagu dilay Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose oo qeyb ka ahaa kulanka ayaa waxa ay sheegeen in ay hoggaamin doonaan banaanbaxyo waa weyn oo ay ku dalbanayaan in Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya la soo saaro.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®