SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

EX: Faroole oo ka digey in fara gelin ay Dowlado shisheeye ay ku sameeyaan Dorashada Madaxweynaha

 

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa waxa uu ka hadlay fara gelinta Dowladaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Dowladaha deriska in aysan isku dayi karin in ay fara gelin ku sameeyaan Soomaaliya, gaar ahaan Doorashada, isagoo sidoo kale sheegay Madaxda iyo shacabka in aysan aqbali karin arrintaasi.

Waxa uu sheegay in uu maqlayay warar sheegaya in Dowladaha shisheeye ay fara gelin ku hayaan Soomaaliya, balse waxa uu tilmaamay in aysan taasi u cuntameyn, oo aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.


Faroole ayaa xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka waxa uu uga digay fara gelinta Dowladaha shisheeye, taasi oo ku aadan in aysan u hoggaansamin in ay doortaan cidii la yiraahda doorta.

Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 8-da Febraayo waxaa Dalka ka dhiic doonta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo hada diyaar garowgeeda si weyn looga dareemayo Magaalada Muqdisho.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®