Maamulka Wilayada Gobolka Shabeelada Dhexe
Xaruntiisa ee magalada jowhar ayaa amar ku siiyey in looga
bahanyahey beraleyda in sida ugu dhaqsiyo badan ay iskaga
soo diwaan galiyaan si loola socda waxa ay beerayaan ee fasalada
beerahooda ku yaal.
Amarkaan ayaa waxaa soo saarey qeybta arimha Bulshada ee
wilaayada Shabeeda Dhexe oo u qeybsan la socoshada arimaha
bulshada waxaan ilaa hada si faahfaahsan loo shegin qaabka
laga doonayo isa soo diiwaan galintaan laga doonayo Beeraleyda
Gobolka.
Waxaa aan la ogeyn xiliga ugu danbeya ee laga doonayo in ay
isku soo diiwaan galiyaan iyo ciqaadka ay mudan doonaan intaba
balse waxaa dadka qaar shegayan in la doonayo in ay bixiyaan
sakooyinka miraha beerahooda ku waajibey , ka horna la doonayo
in lala socdo waxyabaha beerahooda ku yaal si hadhow aaney
ula baxsan.