SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Somali MALTA lagu qabtey isagoo Iibinaya Xashiish oo lagu Xukumay Dalkaasi


Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta ayaa shalay la soo taagay C/kariim Cusmaan Cumar oo 20-jir ah, kadib, markii lagu qabtay Xashiish uu iibinayey.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inay Boliska ku qabteen 6 Duub ee Maan-dooriyaha Xashiishka, taasi oo uu ka iibin lahaa Dad macaamil u ahaa.

Qoraal ay Boliska u gudbiyeen Maxkamadda waxay ku sheegeen inuu Eedeysanaha faraha kula jiray Fal-dembiyeedkaasi iyo inuu Xirmooyinka Xashiishka dhulka ku tuuray markii uu arkay inay Ciiddanka Boliska hareereeyeen.

Boliska waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen ka hor intaysan qabanin uu xiriir la sameeyey Telefoonadda tiro dad ah oo ka mid ah kuwa ku nool Degmadda Paceville oo ay ku badan yihiin goobaha lagu caweeyo.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxay Eedeysanaha Soomaaliga ee lagu magacaabo C/kariim Cusmaan Cumar ku xukuntay 9 bilood oo Xabsi ah iyo Ganaax Lacageed dhan 950 Euro (€950).

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®