SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Yaa Ugu Da’da Weyn Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo Noqon Doona Guddoon KMG inta mid rasmiya laga ...

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta Lagu dhaarinayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaliya ee dhawaan lagu doortay xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Dhaarinta kadib waxaa loo baahnaan doonaan Guddoon KMG ah oo shir gudoominaya kulmada Baarlamanka Soomaliya inta laga soo dooranayo Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo ku-xigeenadiisa.

Shaqsiyaadka ugu da’da weyn ee loo badinayo inay noqon doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ayaa ah saddex nin midkood.

Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Gobolada Waqooyi ee dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay ninka ugu da’da weyn ee Baarlamaanka labada Aqal, waxaana la sheegayaa inuu dhashay sanadkii 1939, inkastoo aan si rasmi u hubin taariikhdaas.

Shasiga Labaad ee loo malaynayo in uu noqdo Guddoomiyaha KMG ah ayaa ah Shariif Sheekhuna Maye Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska, kaasoo ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu soo doortay Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Sidoo kale ninka saddexaad ee ugu da’da weyn Baarlamaanka labada Aqal ayaa ah C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo isna horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda xukuumaddii KMG aheyd iyo xilal kale dowladihii hore.

Baarlamaankii sanadkii 2012 ayaa ninka ugu da’da weynaa ee noqday Guddoonka KMG ayaa waxaa uu ahaa Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo markii dambe loo magacaabay Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Soomaaliya.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®