SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-Shabaab oo digniin adag u diray ayaguna Ganacsatada Boosaaso


Al-Shabaab ayaa digniin u diray Ganacsatada kunool Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay sheegeen in ganacsatada looga baahan yahay in aysan la shaqeyn maamulka Puntland.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab, C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidwalba oo ay ku tuhmaan in ay la shaqeynayso maamulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Ilaalada Hoteelada Magaalada Boosaaso ka ah ay beegsan doonaan hadii ay xirtaan dareeska ciidanka Maamulka Puntland.


Afhayeenka ayaa ugu baaqay Ganacsatada in ay ka fogaadaan in ilaaladooda ay u xiraan dharka ay xirtaan ciidanka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dilal qorshaysan ay ka geysteen Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland.

Bishaan gudaheeda ayaa Magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay Madax sar sare ka tirsan dowlad goboleedka Puntland sida Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso, taliye ku xigeenkii Sadaxeed ee Ciidanka Puntland iyo sidoo kale xeerilaalihii ciidanka Puntland.

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®