SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweye Gaas iyo Ku xigeenkiisa Puntland oo Mooshin laga keenay


Mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Camey ayaa laga abaabulayaa aqalka barlamaanka Puntland ee magaalada Garowe.

Tiro kamid ah xidlhobaanda Puntland ayaa la sheegay inay gudoonka barlamaanka geeyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Puntland, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu heshiisyo qarsoodi ah la galay siyaasiyiin kasoo jeeda Soomaaliland iyo inuu ka shaqeeyay dano ka hor imaanaya midnimada Puntland.

Wararka aan helayno waxay sheegayaa in maalmaha soo socda xarunta barlamaanka looga yeeridoono madaxweyne ku xigeenka Puntlnd ama madaxweynaha Puntland, kadib markii qaar kamid ah mudanayaasha mooshinka ay wada dalbadeen in barlamaanka la horkeeno labada masuul oo lagu eedeynayo inay ka jiifteen arrimihii gudaha Puntland, balse ay ku mashquuleen arrimaha Xamar ka socda.

Waxaa kale oo arrintaan culays sii saartay dilalkii qorshaysnaa ee magaalada Bosaso loogu geystay saddex kamid ah masuuliyiinta Puntland oo maalin barqo cad ah la dilay, iyadoo weliba ay baxsadeen raggii dilay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®