SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahinta iyo Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal khasaare geystay oo ka dhacay J/Hoose

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Tuulada Yaaq-bishaaro oo 60-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Dad xoolo dhaqato ah, waxaana uu socday mudo saacado ah.

Afhayeenka Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ay ka gubeen Gaadiid iyo sidoo kalena ay gacan siiyeen dadka xoolo dhaqatada ah ee Al-Shabaab dagaalka kula jira.

Dagaalkaasi ayuu sheegay in ay sidoo kale ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab , waxaana uu ku hanjabay in ay la wareegi doonaan dhawaan degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®