SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta lagu wado in lagu dhaariyo Hoolka Iskoola Bolisiya

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Booliska maanta waxaa lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu dhaarinayo xildhibanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, si loo dhaariyo, loona gudoonsiiyo shahaadooyinkooda aqoonsi.

Wadooyinka ugu waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay intooda badan ay xiran yihiin, si ammaanka loo adkeeyo, waxaana la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah.

Dhib u dhac ayaa horey ugu yimid dhaarinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka, maadaama Madasha Qaran ay horey u sheegeen in 15-kii Bishan la doonayay in la qabto Munaasabada dhaarinta ah.

Maamulka Baarlamaanka ayaa sheegay in 27-ka Bishan oo maanta ku beegan ay dhici doonto Munaasabada lagu dhaarinayo xildhibaanada Labada Aqal ee Dowladda Federaalka.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®