SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Askari ka Tirsan Minashiibiya Muqdiisho oo Labo Qof u dilay Lacag Canshuura Degmada Wadajir

Askari ka tirsan Ciidanka Minashiibiyada Ee Dowladda Hoose ayaa Labo Qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir.

Askariga Dilka Geystay oo Magaciisa lagu sheegay Saciid Gureey ayaa ka mid ah Ciidanka ilaalada Degaanka,waxaana la sheegay inuu Labada Qof u dilay Lacag Canshuur ah oo uu qaadayay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Askariga ka tirsan Ciidanka Minashiibiyada iyo Labada Qof ee Shacabka ah uu dhexmaray Muran ku aadan Lacag Canshuur ah oo uu qaadayay Askariga Dilka Geystay islamarkaana Rasaas uu ku furay ay u dhinteen.

Qof kale oo asna Shacab ah ayaa la Xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay Rasaasta uu dadka ku dilay Askariga ka tirsan Ciidanka Ilaalada Degaanka.

Dhawaan ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Miinashiibiyada uu sidaan oo kale Isgoyska KM4 ku dilay Wiil Darawal ka ahaa Mooto Bajaaj oo ay isku Af-dhaafeen qaadista Lacag Canshuur ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®