SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Itoobiya oo ka Codsatay Shariif Xasan inuu ka Tanaasulo Musharaxnimada M/weynaha Soomaaliya

Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa Mudo Labo Maalin ah ka socday Kulan dhexmaray Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya iyo Madaxweyneyaasha Maamulada Koofur Galbeed Galmudug iyo Hirshabelle.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay ka Codsatay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu ka Tanasulo Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo Saameyn weyn ku leh Doorashada Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay wadato qaar kamid ah Musharaxiinta hadda u Tartamaya Xilka ugu sareeya ee Dalka.

Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa la soo warinayaa inuu aaday Magaalada Barakeysan ee Makka si uu u soo Cumreysto.

Dhanka kale Madaxweyneyaasha galmudug iyo Hirshabeelle ayaa iyaguna u duulay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®