SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

R/W Cumar oo Xubnaha labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland kula kulmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa kulan u sameeyey Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka sare kasoo galay Jubbaland, wuxuna Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlayay sidii ay taageero u siin lahaayeen maadaama uu kamid yahay Muwaadiniinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya ee dhawaan doorashadeedu ka dhici doonta dalka.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada aqal in codkooda ay siiyaan, si dalka wax badan ugu qabto. Wuxuu sheegay in hadii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxtinimo ee dalka uu wax badan qaban karo, islamarkaana qibradiisa uu kaga faaiideynayo dalka.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah Xubnaha Aqalka sare kasoo galay Jubbaland ayaa soo dhaweeyey Musharaxnimada R.Wasaare Cumar, wuxuna xusay Soomaaliya in ay u baahan tahay Hoggaan iyo isbadal wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya ee dhawaan dhici doonta, wuxuna horey u shaaciyey Musharaxnimadiisa Sep 5, 2016.

---DHAMMAAD----

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®